DE Letterhead - Des Moines Public Schools

Transkript

DE Letterhead - Des Moines Public Schools
TERRY BRANSTAD, GOVERNOR
KIM REYNOLDS, LT. GOVERNOR
DEPARTMENT OF EDUCATION
BRAD A. BUCK, DIRECTOR
December 9, 2014
Waalidiinta qaaliga ah,
Akhrinta waa sheey lagama maarmaan u ah guusha iyo nolosha canugaaga. Gobolka
Iowa, waxaan isku dayeeynaa in aay dhamaan caruurta si fiican u akhrin karaan
dhammadka fasalka seddexaad, taas oo ah udub dhexaadka ardayda taas oo aay ka
baxaan barshada sida loo akhriyo ayagoo ubaxaayo akhrinta si wax loo barto.
Cilmi baaris la sameeyay waxaay tusineeysaa xirfada akhrinta ee caruurta fasalka
seddexaad waxaay saadaalin kartaa guushooda mustaqbalka, iyo kuwa fasiixa ku ah
akhrinta waxaay aad ugu dhowyihiin in aay dhameeystaan dugsiga sare oona helaan nolol
wanaagsan. Balse, u dhawaad hal arday afartii ardayba ee ardayda fasalka seddexaad ee
Iowa ma haleelin sanadki aaynu soo dhaafnay heerka akhrinta laga rabbay, marka loo
eego natiijada imtixaanka. Waa in aan caawinaa ardaydeena si aay akhrintooda sarre ugu
qaadaan.
Sidaa daraadeed aqoonsiga ardayda hooseeya laga bilaabo fasalka Kindergardenka lana
siiyo caawin tayo leh waxaay saldhig u tahay sharciga gobolka Iowa ee 2012 si kor looga
qaado waxbarashada. Qaabka cusub Iowa ee waxbarasho(Early warning system) wuxuu
caawinayaa dhamaan duksiyada gobolka ee ardayda waxbarashadooda liidata, si aay uila
socdaan horumarkooda, iyo in aay siiyaan caawin xaga akhrinta ah laga soo bilaabo Preschool ilaa iyo fasalka seddexaad.
In la hubsado waalidiinta ama mas’uuliinta in la ogeeysiiyo markii aay caruurtooda u
baahanyihiin caawin iyo in la siiyo macaawino aay ku isticmaali karaan guriga taasna
waxaay ka mid tahay sharciga 2012 ee Iowa. Waxaan rabaa in aan hubsado in aad ka war
heeysid websiteka gobolka taas oo aad ka heli kartid macaawinadaas:
https://iowacore.gov/parents-community
Websitekaan waxaa ku jira khad kugu hagayo waxyaabo wanaagsan taas oo aay bixiyeen
machadka barista akhrinta ee Iowa kaas oo kugu caawinaayo in aad fahantid aadna ka la
shaqeeysid canugaaga xirfado waxbarasho ee khaas ah. Waxaad si fudud ugu heli kartaa
xarunta baajka macaawinada qooyska, hawlo la jaan qaadayo fasalka canugaaga ama
heerka akhrintiisa:
http://www.iowareadingresearch.org/literacy-resources/teacher-family-resources/
waxaa nagu qaali ah in aan isla wada shaqeeyno-khaasatan kindagaartanka, fasalka
koowaad, iyo labaad- si aan u xaqiijino in uu kobco xirfada ardayda ee aay doonayeen in
aay ku guuleeysataan akhrintooda. Laga bilaabo bisha Maay 2017, caruurta oo loo
Grimes State Office Building - 400 E 14th St - Des Moines IA 50319-0146
PHONE (515) 281-5294 FAX (515) 242-5988
www.educateiowa.gov
Championing Excellence for all Iowa Students through Leadership and Service
aqoonsaday in aay ku hooseeyaan akhrinta dhamaadka fasalka seddexaad waa in aay
tagaan borogaraamka akrinta ee wakhtiga kulellka(Summer reading program), mise
waxaa lagu celinayaa fasalka seddexaad haddii aayna ka mid noqon kuwa laga saaray. Ka
hortagid, maaha dib udhig, waxa qof walbo uu rabbo.
Siinta ardayda Iowa waxbarasho tay leh waa sheey muhiim u ah dhaqaalaha
waxbarashada lagu xiray, balse taas macquul ma noqon karto in aay akhrin karaan
mooyee. Waxaan rajeeynayaa in aan in kala shaqeeyo dadaalkaan taariikhiga ah ee aan
ku dooneeyno in aan kaga caawino caruurta Iowa in aay akhriyaan dhamaadka fasalka
seddexaad. Waad ku mahadsantahay cawintaada si aan u gaarno hadafkeena.
Mahadsanid,
Brad Buck, Ph.D.
Director, Iowa Department of Education
(Maamulaha qeeybta waxabarashada ee Iowa)

Podobné dokumenty

Mbr # Last Name Pilot Co-Pilot Lot No Pilot Co

Mbr # Last Name Pilot Co-Pilot Lot No Pilot Co 88 Heim 92 Hinterlong 95 Hofer 28 Holtan 77 Jones 85 Laymon 80 Lesh 89 Masching 86 McDonald/Downey 93 Monnett/Babbit 11 Muggli 84 Nekvinda, 46 O'Brien 60 Penningroth 2 Pfister 50 Reetz 12 Salzman 8...

Více

Parametry výrobku

Parametry výrobku Karta výrobku ZRS-116 Určení - model rádia

Více

Mahr

Mahr Voděodolné digitální posuvné měřítko MarCal 16 EWR s krytím dle IP67 a uzamykatelnou re f e re n c í . P ro p re c i z n í a s p o l e h l i v é v ý s l e d k y v n e j t ě ž š í c h d í l e n s k ...

Více

www.dogracing.cz

www.dogracing.cz LAKI DANDY (M) Kengyelfuto Sky – Moonlight Hunter Keyo

Více

metody_sociální_práce_s imigranty_2008 - Migrace

metody_sociální_práce_s imigranty_2008 - Migrace a zdravotnictví, pracovníkům neziskových organizací poskytujících sociální služby, sociálním pracovníkům, event. dalším pracovníkům v sociální sféře. Pro studenty Zdravotně sociální fakulty Jihočes...

Více